Daawo Sawirada:- Kulankii BF oo fashil kusoo idlaaday & Xildhibaanada oo Caro kula laabtay Hooygooda

Daawo Sawirada:- Kulankii BF oo fashil kusoo idlaaday & Xildhibaanada oo Caro kula laabtay Hooygooda

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo kala dareeray fadhigii ay ku lahaayeen xarunta Golaha shacabka oo buuq iyo sawaxan kusoo dhamaaday.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay qaateen qoraalka, halka Xildhibaanada diidan mooshinka ay meesha ku jeex-jeexeen mooshinka qoraalkiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii lagu buuqay wuxuu ka baxay madasha shirka, isaga oo waxyar ku sugnaa xafiiskiisa xarunta Golaha shacabka, kadibna waa uu sii baxay.

Dhanka kale, Kulanka ayaa waxa uu kusoo idlaaday Fashil kadib markii labada garab ay isku mari waayen Mooshinka.

Sharci ahaan sida Dastuurka ku qoran xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadii loo qaybiyo mooshinka waxa ay haysan karaan oo ay soo aqrisan karaan muddo shan cisho ah, kadibna waxaa la guda galayaa dooda ku aadan mooshinka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada