DHAGAYSO:- Galmudug oo si awood ah Diyaarad uga dajisay Garoonkii macmalka ahaa ee dhawan ay kula dagaalamen Puntland+Sawiro

DHAGAYSO:- Galmudug oo si awood ah Diyaarad uga dajisay Garoonkii macmalka ahaa ee dhawan ay kula dagaalamen Puntland+Sawiro

daajis.com:- Warka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay si sharci daro ah diyaarad uga dajiyeen Garoonka macmalka ah ee uu baryahaani ka taagnaa Khilaafka Galmudug iyo Puntland.

Diyaarada oo la sheegay inay laheyd Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka cagadhigatay garoonka macmalka ee ku yaalla Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona la sheegay in diyaaradaasi ay saarnaayen Injineero ku howlanaa Indha indheynta dhismaha Garoonka macmalka, waxaana qeyb ka ahaa Saraakiil ka tirsanaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia gaar ahaan Wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada.

Maamulka Galmudug ayaa ka dhaga adeegay amar ay horay Maamulka Puntland ugu mamnuucday isticmaalka Garoonkaasi macmalka.

Sidoo kale Diyaarada ayaa la sheegayaa inay la socdeen Saraakiil ka tirsanaa Hay’ada Qaramada Midooday u qaabilsan Duulista iyo Saadaasha Hawada ee ”ECAO” waxaana socdaalkooda ku wajahnaa si loo qiimeeyo waxyaabaha ka dhimman Garoonkaas Macmalka ah.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa shalay sheegay in Garoonku uu si rasmi ah u furan yahay, islamarkaasina ay isticmaali karaan Diyaaradaha QM iyo kuwa Rakaabka ah, arrintaasi oo laga yaabo inay mar kale dib u soo cusboonaysiiyo Murankii Gaalkacyo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada