Faallo: Xasan Sh. oo Siyaasadda looga adkaaday: Maxaa keenay?

Faallo: Xasan Sh. oo Siyaasadda looga adkaaday: Maxaa keenay?

daajis.com:- Dowladdihii KMG ee soo maray dalka, ayaa waxay reebeen raadad aan kasoo kabsasho laheyn oo Soomaaliya u horseeday dib u dhac iyo in si dadban loo farageliyo xuquuqda madaxbannaanideeda, taasoo xadgudub ku ah Dastuurka Federaalka oo qeexaya in mustaqbal dalka ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed iyo Hey’addaha Federaalka.

Khilaafyada Siyaasadeed ee Madaxda Somalia oo aan aheyn mid cusub, wuxuu mar walba ka dhashaa hoggaamiyeyaasha sare oo mid walba howshiisa loo madax baneyn, taasina waxay keentaa isbadalo deg deg ah oo lagu sameeyo Xukuumadda, lana adeegsanayo Baarlamaanka. waxaana hadda muuqda in is-jiid jiidka siyaasadeed uusan ka fursan doonin isbadal ku dhaca Dowladda iyo dib u dhac ku yimaada horumarka la gaaray dhan walba.

Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, wax badan kama duwan khilaafyadii hore ee Dowladdihii KMG dalka soo maray, mid walba wuxuu fiirinayaa awooda uu ku yeelan karo Xukuumadda iyo Hay’addaha dastuuriga.

xasan-abdiweliRa’iisul Wasaare C/weli ayaa isku dayay inuu sameeyo isbadal xukuumadda dhexdeeda ah, hase ahaatee waxaa isbadalkaasi uu ku saleeyay mid siyaasadeed, sababtayna in uu si cad ugu horyimaado Madaxweyne Xasan Sheekh, oo u arka isbadalkaasi mid siyaasadeed oo lagu cuuryaaminaayo awoodii uu ku lahaa Xukuumadda, gaar ahaan markii meesha laga bixiyay Wasiirkiisii Arrimaha Garsoorka Faarax C/qaadir oo la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda hagto Villa Somalia.

Magacaabista Taliyeyaasha Sare ee Ciidamada iyo Wasiirada qaarkood, waxay qeyb ka yihiin arrimaha la isku haayo. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, oo awood sharciga u siinayn inuu soo magacaabo Taliyeyaasha ciidamada, soona magacaabay, ayaan wax la-tashiyo ah oo uu kala sameeyay Madaxweynahana meesha kama muuqan iyo kuwo xilka laga qaaday, taasoo uu Madaxweynaha u arkay afgambi siyaasadeed, maadaama aan lagala tashan, meeshana lana cunay qeyb ka mid ah garabyadiisa.


Dhamaan arimahaasi oo jira ayaa waxaa dab kusii shiday Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay, oo hadal kasoo saaray khilaafka siyaasadeed, una arkay in meesha laga tuurayo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Nicholas Kay wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu ka walaacsan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo codkooda lacag la siisanayo si mooshin ugu keenaan Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana dhabar jab ku ah horumarada ay Somalia u qaadeyso dhanka la xisaabtanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mudanayaal ku fikir ah ayaa dhaliilay Nicholas Kay kuna eedeeyeen inuu xadkiisii soo dhaafay, waxayna Xildhibaanada ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo gefkaasi, halka Madaxweynaha uu codsaday in Madaxbanaanida Somalia ay mudan tahay in la xushmeeyo.

hassan-sheikMaxaa sababay in Madaxweynaha Siyaasadda looga adkaaday?

1) Waa madax adag yahay warkiisana waa waxaan ahay Madaxweynaha dowladda federaalka.
2) Xiriir fiican lama laha hay’adaha federaalka iyo maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo dalalka deriska.

3) Malaha la taliyeyaal siyaaso, dhaqaale, diblumaasiyadeed oo dajiya qodobada herdinka siyaasadeed ee jira, wuxuu ku tiirsan yahay koox yar oo Damujadiid ah.

4) Waqtigiisa wuxuu ku dhumiyaa kulanka dad aan ku jirin jilayaasha siyaasadda, si uu ugu sharaxo guulaha ay dowladda federaalka soo hoysay.

5) Marka la qaado tallaabo aanu jeclaysan ayuu soo baraarugaa, malaha odoros siyaasadeed, dhankiisana tallaabooyinka uu damacsan yahay suuqa ayaa la soo dhigaa intaanba la meelmarin.

6) Marka la dhaliilo wax qabadkiisa isna wuxuu farta ku fiiqaa hay’adaha federaalka (baarlamaanka, dowladda, iyo garsoorka) aniga hay’adahas ayaan guddoomiyaa ayuu yiraa, mar uu baarlamaanka furaayay, caqabadaha dowladdana wuxuu ku sheegay, Shabaab, kulankii Baarlamaanka!

7) Wuxuu albaabka ka xirtay odayaasha, iyo xildhibaanada beesha uu ka soo jeedo ee Hawiye, taasoo hoos u dhigtay taageerada uu ku dhex leeyahay beeshiisa, siyaasad iyo dhaqanba.

8) Lama maqal isagoo saxiixaayo ama ku soo celinaya baarlamaanka xeerarka iyo shuruucda ay ansixiyaan, waana mid ka mida shaqooyinkiisa ugu muhiimsan, Sharcigana wuxuu hirgalaa marka Madaxweynaha saxiixo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada