Daawo:- Gabar loo saadaalinayey boqorada quruxda oo ayadoo meyd ah la arkey

Daawo:- Gabar loo saadaalinayey boqorada quruxda oo ayadoo meyd ah la arkey

daajis.com:-  Boqorada quruxda Honduras Maria Jose Alvarado oo 19 jir aheyd iyo walaasheed Sofia oo 23 jir aheyd ayaa la weysnaa todobaadkii hore.

Baaritaano lagu baadigoobayey gabdhahaasi oo beryahaan socday ayaa lagu helay meydadka Miss Hondorus iyo walaasheed,kadib markii uu qirtay inuu dilay Sofia saaxiibkeed.

Policeka waxey sheegeen in Sofia saaxiibkeed Piutarco Ruiz uu maseyray kadib markii uu arkay saaxiibtiis oo la cayaareyso nin kale xilli loo dabaaldegaayey dhalashadeeda 13 bishan November.

Policeka waxey sheegeen muran xoogan oo arintaan ka dhashay inuu ninkaan ku toogtay gacalisadiisa iyo walaasheed Miss Hondurass Maria Jose iyadoo isku dayeysay iney baxsato.

daajis.com
Meydadkooda ayaa lagu aasay meel banaanka ah webiga gobolka Santa Barbara. Halkaas oo xoogaa masaafo ah u jirtay goobta ay ugu dabaaldegayeen dhalashada.

daajis.com

Miss Honduras ayaa qorsheyneysay iney u duusho magaalada London si ay uga qeybqaadato Miss World 2014 oo dhawaan halkaasi ka dhacayo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada