Nicholas Kay:- Ma ay jirto cid aan raali galinayo

Nicholas Kay:- Ma ay jirto cid aan raali galinayo

daajis.com:- Nicholas Kay, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya.

Shirkii heerka sare ee iskaashiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo ay martigalisay Denmark, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen.
Waxaa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sanad ah wixii ka qabsoomay yaboohii bulshada caalamka in ay maalgaliyaan qorshayaasha dowladda ee nabad iyo dal dhiska Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay hay'adaha dowladda Soomaaliya ee sida barlamaanka, madaxtooyada iyo xafiiska Ra'iisul Wasaraaha ay tahay in ay raadiyaan xalka ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda.

Nicholas Kay ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin sabab uu raaligelin uga bixiyo eedeyn uu dhowaan u jeediyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay in qaar ka mid ah ay codkooda siisanayaan lacag.


Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday danjire Kay in uu arrintaas raaligelin ka bixiyo.

Xigasho:BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada