Video: Imaam Soomaaliyeed oo isu baddalay Baadari Kaniisadeed

Video: Imaam Soomaaliyeed oo isu baddalay Baadari Kaniisadeed

daajis.com:- Dadka Soomaaliyeed, waxaaa loo yaqaan dad 100% Muslin ah, si adagna ugu dhigan diintooda. Hase yeeshee, xilliyan dambe, waxaa soo ifbaxaayay in la arkaayay kuwo diin-ka-bax oo qura aan ku ekaysan, balse duullaan ku ah kuwo rumaysan diinta islaamka.

Waxaad mooddaa in bulshadeenu aysan marnaba iswayddiin waxa dadkaan ku kallifay inay riddoobaan. Balse caay iyo colaad lagala horyimid, taasoo sii durjin karto. Kolkii Ilaah Nabi Muuse iyo Nabi Haarun Fircoon u diray, wuxuu ku yiri: “Ku Dhaha hadal jilcan laga yaabee inuu waansamo ama uu xusuusto”.

Soomaalidu waxay tiraah “Mayd yaa ugu dambeeyay? Kii hadda la sii siday”. Waxaa 28.08.2014, barta Youtube-ka la soo dhigay Video uu sameeyay nin ka baxay diinta.

baadari-soomaaliNinkaan waxaa lagu magacaabaa, Mahad Bilow Biriq, wuxuu ku dhashay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya. Waalidiintiisa waxay ku soo barbaariyeen diinta Islaamka, Mad-habka sunniga, sida uu sheeganaayana wuxuu imaam ka ahaa mid ka mid masjidyada magaalada Wajeer.

Wuxuu leeyahay, Marka kastoo aan dadka salaadda tushinaayo waxaan dhihi jiray Alloow waddada toosan nagu hanuuni, اهدِنَــــا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ anigoo ogsoon in Ebbe maalin waddada toosan igu hanuunin doono.

Waalidiintayda waxay i geeyeen Soomaaliya si ay iiga badbaadiyaan xasuuqii Wagaala anigoo wiil da’yar ah, qabana su’aalo ay culumada iiga jawaabi waayeen sida ma janaan galaa mase naar?.


Wuxuu la kulmay Baadari Maraykan ah kuna yiri: Gaalyahow wax kasto beenta ka sheego, ii sheeg waxaad aas rumaysan tahay?, kaasoo ugu jawaabay, waxaad joogtaa dalka islaam, wax kasto kulama qaybsan karo una tilmaamay injiilka.

Mahad waa riddoobay 2 sanno iyo bar kaddib markuu Bibleka gacantiisa soo galay, bilaabayna inuu ku wacdiyo.Taasina u keentay xarig iyo inuu Kenya dib ugu cararo. Balse arrintiisa waxay noqotay good ka carar ee gugume god ugu gal.


Waxaa lala dhacay garruun, kolkuu gacmaha isaga dhigayna, waxaa laga jabshay gur iyo midigba, madaxiisana la duldhigay 36.000.000 sh. Kenya. Wuxuuse aaminsan yahay in Ilaah ilaalin doono. Hadalkase wuxuu kusoo biyo shubtay Shan beri Sheekh laguma noqdo.

Axmed Moxamed Axmed

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada