Madaxweynaha oo kusoo laabtay Muqdisho & Jawaari oo baxay

Madaxweynaha oo kusoo laabtay Muqdisho & Jawaari oo baxay

daajis.com:-  Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,  waxaana wafdiga Madaxweynaha si weyn garoonka Muqdisho ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, xildhibaano iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark uga qeyb galay shirka Hiigsiga cusub ee New Deal, kaasoo gabagabadiisa laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 24 qodob oo lagu taageerayay horumarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa Saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka Muqdisho isagoo sheegay in shirkii Copenhagen ee New Deal uu guul kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha Somaliya ayaa la filayaa in uu dib u bilaabo kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanaya Xildhibaanada, Golaha Wasiirada si uu u xoojiyo mooshinka horyaal Baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinca kale waxaa isna maanta Muqdisho ka duulay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Cusmaan Jawaari, isagoo ku sii jeeday dalka Jabuuti.


Jawaari ayaa sheegay inuu casuumaad ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan buuqa baarlamaanka ka dhex jira.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in maalinta Isniinta Baarlamaanka Soomaaliya uu yeelan doono fadhi, isagoo ka digay in xildhibaanada sameeyaan buuq, wxuuna ka codsaday in ay ilaaliyaan xasiloonida iyo anshaxa baarlamaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada