Guddoomiyaha Baarlamaanka oo taageeray go`aanka xukuumada ee ballaarinta maamulka Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo taageeray go`aanka xukuumada ee ballaarinta maamulka Koofur Galbeed

daajis.com:- Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa taageeray go’aannada Xukuumadda oo la xiriira in la ballaariyo dadaallada ku aadan in loo wada dhamaado gogosha shirka ergada dhisidda maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconeysa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.


Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “waxaan hor iyo horaan doonayaa in aan halkaan ka ayido aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda go’aannada kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee lagu xoojinayo dadaallada is fahamka iyo wada hadalka ah ee ka socda magaalada Baydhabo si ugu dambeyn loo helo in shirka ergada ee ka socda magaalada Baydhabo uu u noqdo mid loo wada dhanyahay oo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed ay ka wada qeybgalaan”.

“waxaan rabaa inaan xusuusiyo dhammaan ergooyinka,wasiirrada howsha wada, siyaasiyiinta,guddiga farsamada iyo guud ahaanba shacabka Koonfur Galbeed markii howlahan oo kale la qabanayo habraaca ayaa ka muhiimsan natiijada soo baxda waana muhiim in habraaca loo marayo howsha dhameystirka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed inuu noqdo mid loo wada dhan yahay si loo helo oo uu u sameysmo maamul lagu diirsado,loo wada dhan yahay islamarkaana lagu qanac sanyahay sida uu madasha furitaanka ka sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in dhinacyada gogoshaasi ka maqan oo ay Odayaasha ugu horeeyaan laga wada qeybgeliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku sugan magaalada Baydhabo dadaallada ay wadaan iyo xubnaha howshooda gacanta ku siiyey waxaana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iney mar walba ilaaliyaan xasiloonidooda ayadoo laga fogaanayo wax kasta oo qalalaase keeni kara.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada