DAAWO VIDEO:- Askari lagu dilay suuqa Bakaaraha iyo Ragii dilalay oo iyagana la toogtay .

DAAWO VIDEO:- Askari lagu dilay suuqa Bakaaraha iyo Ragii dilalay oo iyagana la toogtay .

daajis.com:- Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta duhurkii labo ruux ku toogtay agagaarka Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen halka loo yaqaano Suuqa Cirtoogte.

Labadan ruux oo dhalinyaro ahaa, kuna hubeysnaa bastoolad ayaa ka hor inta aan dilin la sheegay inay si gaadmo ah ku toogteen askari ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askari kale ay dhaawaceen.


Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo goobta ka ag dhowaa ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen labadii ruux oo isku dayay inay goobta ka baxsadaan.

Saraakiisha Nabadsugida ayaa sheegay in labada ruux lagu amray inay is dhiibaan, balse ay madax adeegeen, isla markaana ciidamada ay toogteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labadan ruux ay caan ka ahaayeen suuqa bakaaraha, isla markaana ay horay u baadigoobayeen ciidamada nabadsugida ee saldhiga ku leh suuqa bakaaraha.



Dhinaca kale Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta howl galo guri guri ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Dharkeenley, iyagoo ku soo qabtay dad iyo hub, waxaana howl galkan uu qeyb ka yahay go’aanadii ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada