Ruux ku geeriyooday qarax gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

Ruux ku geeriyooday qarax gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

daajis.com:- Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu qarxay gaari uu qofkaas geeriyooday watay, iyadoo qaraxa loogu xiray qeybta hoose ee kursiga darawalka uu ku fariisto.

Qaraxan oo saakay waabarigii hore ka dhacay agagaarka Tarabuunka ayaa ruuxa la qarxiyay la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha shirkadaha duulimaadyada, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Cali.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in hal ruux uu ku dhintay qaraxaas oo ahaa ninkii gaariga watay, labo kalena ay ku dhaawacmeen saakay aroortii markii waxyaabaha qarxa loogu dhejiyay gaarigiisa.

“Hal qof ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen aroortii hore ee saakay, markii aalad qarxa oo nuuca Magnada ah lagu dhejiyay qeybta hoose ee baabuur, waxaan wadnaa baaritaanka arrintan, waxaase uga shakisanahay inay weerarkan ka dambeeyaan Al-Shabaab”ayuu yiri Col. Maxamed Dahir.


Gaariga ayaa saakay aroortii hore ku qarxay agagaarka Tarbuunka ee degmada Hodan
Gaariga ayaa saakay aroortii hore ku qarxay agagaarka Tarbuunka ee degmada Hodan

Ilaa iyo hada cid sheegatay ma jirto, inkastoo weeraradan ceynkan oo kale ah ay mudooyinkii u dambeeyay ay Al-Shabaab sheeganeysay.

Qaraxyada lagu dhejiyay gaariga gaarka loo leeyahay ee raaxada ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa, saraakiisha ciidamada, xildhibaanada iyo shaqsiyaadka kala duwan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada