Guryo ay lahaayeen saraakiil Al Shabaab oo maanta lagu gubay degmada Buulo Burde

Guryo ay lahaayeen saraakiil Al Shabaab oo maanta lagu gubay degmada Buulo Burde

daajis.com:- Laba guri ayaa waxaa maanta lagu gubay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo guryahaasi la soo sheegaayo inay lee yihiin amiiro ka tirsan Ururka Al Shabaab.


Dadweyne careysan, ayaa la soo sheegayaa inay dab qabadsiiyeen guryahaasi, xilli aynaan jirin cid deganeyd, isla-markaana ay horey uga barakaceen qoysaska amiiradii iska laheyd.


Tallaabada guryaha lagu gubay, ayaa waxay ka dambeysay markii Ururka Al Shabaab ay maalin ka hor, deegaanka Jameeco-shiin oo 12km u jirta Buulo Burde, ay ku gowraceen nin ganacsadaha ahaa, isla-markaana ay dab qabadsiiyeen goobo ganacsi, oo halkaasi uu ku lahaa.

Sidoo kale Shabaabka, ayaa gubay guryo kale oo ku yaalay deegaanada Jameeco-shiin iyo Qabadane, waana taa midda keentay inay gadood sameeyaan bulshada reer Buulo Burde.

Shacabka ku dhaqan Degmada Buulo Burde, ayaa qaarkood la soo sheegayaa inay soo dhaweeyeen tallaabada lagu burburiyay guryaha ay lee yihiin amiirada ka tirsan Ururka Al Shabaab, halka dadka qaarkood ay iyana qabaan inaan lagu dayan ficilada foosh xun leh, ay sameynayaan.


Duqa Degmada Buulo Burde ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cismaan Geedi Cilmi, ayaa ku waramaaya in shacabku uu ka gadooday falalka arxadarada ah ay geysanayaan mintidiinta Shabaabka.

Muddooyinkaanba waxaa Gobolka Hiiraan ka soconaayay isku dhacyo u dhaxeeya Shabaabka iyo dadka rayidka ah, iyadoo dadku u muuqdaan kuwo ka daalay dhibaatada ay Shabaabku geysanayaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada