Guurtida Somaliland oo xalliyay khilaafkii golaha wakiilada (SAWIRRO)

Guurtida Somaliland oo xalliyay khilaafkii golaha wakiilada (SAWIRRO)

daajis.com:- Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay soo afjareen khilaafkii ka dhashay mooshinkii xil ka qaadista ee laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, kaasoo ay wadeen Xildhibaanada muxaafidka, waxaana mooshinkaas uu sababay inuu hakad ku yimaado kulamadii Golaha wakiilada.


Fadhi ay si wada jir u yeesheen Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada ayaa sheegay in gebi ahaanba la laalay mooshinka, iyadoo laga soo saaray qodobo ku aadan soo afjarida khilaafka iyo in aan Gudoomiyaha Golaha wakiilada aan mooshin laga keeni karin inta uu xilka uga dhamaanayo.



Gudiga dhex dhexaadinta Golaha Guurtida ayaa indhawaalaba waday kulamo ay labada dhinac la yeelanayeen, si lagu soo afjaro khilaafka ka dhex taagnaa Golaha Wakiilada, kaasoo keenay in ciidamo ay la wareegaan xarunta golaha wakiilada, isla markaana xabsiga la dhigay Xoghayihii Guud ee Golaha wakiilada.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro ayaa sheegay inuu aqbalay qodobadan iyo dhex dhexaadinta ay wadeen Guurtida, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in danta qaranka uu kaga tanaasulo tiisa gaarka ah.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed oo hogaaminayay Xildhibaanadii muxaafidka ee mooshinka ka keenay ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay soo afjarida khilaafka iyo in meesha laga saaro mooshinkan.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga hadal hayay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Golaha Wakiilada, iyadoo banaan bax rabshado watay uu ka dhacay magaalada Burco, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada