Khilaafka Xasan iyo C/weli oo sababay 10 qodob oo halis ku ah dalka iyo qaranka (Aqriso)

Khilaafka Xasan iyo C/weli oo sababay 10 qodob oo halis ku ah dalka iyo qaranka (Aqriso)

daajis.com:- Inkastoo baryahaani uu jiro Khilaaf xoogan oo ka dhex tolan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan sheekh maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheekh axmed, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaaya arrimo dhowr ah oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay khilaafka labada mas’uul.

Khilaafka labada mas’uul oo xalintiisa ay badi ku mashquuleen madaxda dalka, ayaa waxaa hadana hoos ka qurmaaya nidaamkii u degsanaa DF, kaasi oo lagu xakameynaayay sida Ammaanka, dhaqaalaha, maxaabiista iyo arrimo intaa kasii badan oo ay kamid yihiin:-

1- Amniga muqdisho oo faraha kasii baxaayo iyo dilal bilowday.

2- Kala iibsashada maxaabiista oo si xooli ah uga socta xabsiga dhexe ee xamar, kadib markii maalmahaani laga caajisay kormeerka xabsiyada khilaafka jira awgiisa

3- Xarumaha DF oo noqday kuwa haawinaaya oo aan loo shaqo tagin khilaafka labada mas’uul oo saameyn ku sheeshay shaqaalaha, kadib markii la waayay kormeer guud.

4- Wadooyinka muqdisho oo laga waayay ciidamadii ammaanka sugaayay, koontorool la’aan jirta awgeed.


5- Maleeshiyada Alshabaab oo buux dhaafisay muqdisho, kadib markii Taliyayaasha laamaha ammaanka ay galeen nasiin khilaafka jiro oo ay ka faa’iideysanayaan dartii.

6- Gaadiidka miineysan oo muqdisho kusoo badanaaya iyo inta uu khilaafka jiro oo dhowr qarax ka dhacday muqdisho.

7- Ammaanka xarumaha DF oo noqday mid aan isku haleyn laheyn.

8- Ciidamada DF oo baad ka qaadanaaya gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-da, kadib markii ay jiifteen saraakiishii la xisaabtami laheyd.

9- Mushaaraadka shaqaalaha DF qaarkood oo loo hakiyay khilaafka labada mas’uul awgiis.

10- Xildhibaanada oo bilaabay inay ka macaashan khilaafka xasan iyo c/weli sheekh.

Haddaba 10-kaani qodob ayaa ah kuwa ka dhashay Khilaafka labada mas’uul, iyadoona uu sababay niyad jab soo foodsaartay shaqaalaha DF oo ahaa kuwa haminaayay horsocod.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada