Askari saakay Xaaskiisa ku toogtay degmada Xamar weyne

Askari saakay Xaaskiisa ku toogtay degmada Xamar weyne

daajis.com:- Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, ayaa saaka Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir wuxuu ku dilay xaaskiisa, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilka uu geystay Askarigaan, ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii la sheegay inay wada murmeen xaaskiisa, murankaasi oo muddo soo taagnaa sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Aweys, halka weli aynaan helin magaca gabadha uu qabay ee saaka uu dilay, gabadha la dilay wax caruur ah uma aysan dhalin askariga dilay.

dil-xamarXaafada Saranda ayuu ka dhacay dilkaan, waxaana la sheegay in Askarigaan iyo xaaskiisa mardhaw ay xaafada soo dageen, tan iyo markii ay soo dageena uu muranka ka dhex-taagnaa.

Arimaha muranka dhaliyay ayaa lagu soo koobay arimo qoys, balse lagama haayo faah-faahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan arimaha qoyska ee muranka dilka sababay.


Maamulka Degmada Xamar jajab weli kama aysan hadlin dhacdadaan saaka ka dhacday Degmada ee uu geystay Askariga la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Dhacdooyinka la yaabka leh ayaa kusoo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana dilka gabadhaan loo geystay ay ka dhigeysa tirada haweenka ee todobaadkaan Muqdisho lagu dilay ilaa afar haween ah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada