Koobka Qaramada Africa oo laga cabsi qabo in loo joojiyo Cuddurka Ebola.

Koobka Qaramada Africa oo laga cabsi qabo in loo joojiyo Cuddurka Ebola.

daajis.com:- Dowladda Marocco oo bilowga sanadka soo socda ee 2015 marti gelineyso Koobka Qaramada Africa ayaa codsatay in dib loo dhigo ciyaaraha koobka wadamada Africa, arrimo la xariira cabsida cudurka Ebola awgeed.

Ururka CAF ayaa ka horyimid codsiga dowladda Marocco ee ah in dib loo dhigo, waxayna guddiga ciyaaraha Africa ee CAF ay Dowladda Marocco u gudbiyeen qoraal sheegaya in aysan jirin halis weyn oo laga cabsi cudurka Ebolla.

ebolaCiyaaraha Qaramada Africa oo bilaabanaya 17 Janaayo 2015, ayaa halis ku jira in gebi ahaanba ay baaqdaan, maadaama Dowladda Marocco aysan wax go’aan ah ka qaadan jawaabta CAF kaga timid codsiga ay u gudbiyeen ee ah in dib loo dhigo ilaa xal looga helayo halista cudurka Ebola oo wadamo badan halis ku haaya, ciyaartooygoodana ay kasoo qeybgeli doonaan ciyaaaraha iyo taageerayaashooda.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Marocco Mohamed Awsusi ayaa tilmaamay in ay suuragal noqon karto in ciyaartoyda caalamiga ah ee ka xamaasha Yurub inaysan kasoo qeybgeli doonin ciyaarahan, sidoo kalena ay suuragal noqon karto in taageerayaal badan aysan u soo daawasho tegin koobka qaramada Africa.

Wadamada uu ka jiro cudurka Ebolla ee kasoo qeybgalaya ciyaaraha Africa ayaa waxaa ka mid ah Guinea oo halis ba’an uu ku haayo cudurkan.

Ma jirto wadan ilaa weli isu soo taagay haddii dalka Marocco uu diido in dalkooda lagu qabto ciyaaraha sababo la xariiro Ebola, wadan isku soo sharxay inuu kaalintaasi buuxin karo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada