Video:- M/weynaha ugu faqiirsan dunida oo gaarigiisa duqoobay

Video:- M/weynaha ugu faqiirsan dunida oo gaarigiisa duqoobay

daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Uruguay, Jose Mojica oo loogu magac daray Madaxweynaha dunida ugu faqiirsan Jose Mijica ayaa sheegay in loo soo bandhigay codsi ku aadan in $1 million loo gaaray gaarigiisa duqoobay ee uu ku socda laga siisto.

Maal qabeen Carab ah ayaa qiimahaasi u gaaray gaariga duqoobay ee Madaxweynaha Uruguay oo noociisa uu yahay Volkswagen Beetle lana soo saaray sanadkii 1978-kii.

Gaarigan ayaana ah hantida kaliya uu leeyahay Madaxweynaha Dalka Uruguay, Jose Mojica, waxaana uu dagan yahay beer ku taal guri yar oo ay leedahay xaaskiisa.

Madaxweyne Jose Mojica ayaa weli sheegay in codsigaasi uu helay balse weli uusan wax go’aan ah ka qaadan.



Madaxweynaha Uruguay ayaa nolosha uu ku nool yahay ay tahay mid adag, wuxuuna bishii mushaar ahaan u helaa $12,000, isagoo taburucaad ku bixiya 90% mushaarka uu helo si loogu kaalmeeyo dadka dhibaateysan ee dalkiisa iyo dunida kale, taasina waxay keentay in lagu magacaabo Madaxweynaha dunida ugu faqiirsan.Jose Mojica 2

Celcelis ahaan dakhliga uu isticmaalo ama ku baxa bishii ayaa ah $775. “Tani waa nolosha aan ku noolaa weligay, una bartay inaan kusii noolaado”ayuu yiri Jose Mojica oo aan laheyn wax ilaalo ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada