Sawirro: Mooshinkii ka dhanka ahaa RW oo la hakiyay

Sawirro: Mooshinkii ka dhanka ahaa RW oo la hakiyay

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeenadiisa ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay mooshinkii ka dhanka ahaa ra’iisul wasaaraha, kadib kulamo socday caawa ilaa galabta oo ay la qaateen xildhibaanadii soo gudbiyay mooshinka iyo kuwii kasoo horjeeday si arinta iyo xiisada taagan loogu dhameeyo waan waan meeshana looga saari lahaa khilaafka Madaxda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo gabagabadii kulamadaasi Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in  Guddoonka baarlamaanka uu la kulmay Xildhibaannada dhowaan usoo gudbiyey mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda islamarkaana, wuxuuna tilmaamay in guddoonka baarlamaanka ay ka codsadeen xildhibaanada in fursad la siiyo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo madaxda DFS taasina ay garawsadeen Xildhibaannada.

Sidoo kalena gelinkii dambe ee maanta ayuu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaannada kasoo horjeeday soo gudbinta mooshinka iyagana ay aqbaleen dadaalada socda. Wuxuu kaloo sheegay Jawaari in Guddoonka Baarlamaanka uu u istaagay sidii uu isugu soo dhaween lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna rajo badan ka muujiyay in ay ku guuleysan doonaan dadaalada ay wadaan.

Gudoomiyaha, ayaa Xildhibaanada ka codsaday inaan laga hadal khilaafka Madaxda Dowladda, mudada ay waan-waanta ka dhex wadaan Madaxda Dowladda Somaliya, isla-markaana wuxuu kaga mahadceliyay sida ay kaga aqbaleen inay labada dhinac wada hadashiiyaan.

Jawaari oo si kooban ula hadlay Saxaafada, ayaa ku celceliyay in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu maslaxad kala dhex dhigo karo Madaxda Dowladda, iyadoo aan ahmiyadda la siinayn mooshinka, meeshana looga saaraayo fara-gelin shisheeye.

Arintani ayaa waxay meesha ka saareysaa faragelinta shisheeye ee dowladdaha daneeya Somalia iyo beesha caalamka ku doonayaan inay soo farageliyaan, waxayna haddii ay dhacdo in guddoonka baarlamaanka ku guuleysto xal u helida mushkiladan ay noqoneysaa tallaabo horay loo qaaday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada