Madaxweynaha Jabuuti oo su’aallo adag ka weydiiyay madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku maagay Ra’isul wasaare C/weli

Madaxweynaha Jabuuti oo su’aallo adag ka weydiiyay madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku maagay Ra’isul wasaare C/weli

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ku sii jeeday magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark ayaa ku sii hakaday magaalada Jabuuti ee cariga dalka Jabuuti, wuxuuna halkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti ayaa kawada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda Soomaaliya, wuxuuna madaxweyne Geelle wax ka weydiiyay madaxweyne Xasan waxa sababay khilaafka heerkiisu sareeyo ee kala dhexeeya Ra’isul wasaare C/weli.

Madaxweynaha Geelle ayaa markii uu dhagaystay madaxweyne Xasan wuxuu ugu baaqay inuu qaato xal, k hor inta uusan majax xaabin Xukuumadda, si meesha looga saaro madmadowga siyaasadeed ee jira.

Lama sheegin in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka ogolaaday dhigiisa dalka Jabuuti baaqa uu u soo jeediyay, iyadoo madaxweyne Geelle lagu sheegaa inuu ka mid yahay madaxda Afrika ee sida dhow ula socota siyaasadda Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa goor dhaweyd ka ambabaxay dalka Jibuuti iyagoo ku sii jeeda magaalada Cobenhegan ee dalka Denmarka.

Isha:- Somaaljecel.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada