Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas oo sheegay in la qabanayo shirweyne qaran oo lagu mideynayo Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas oo sheegay in la qabanayo shirweyne qaran oo lagu mideynayo Puntland

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in la qabanayo shiweyne lagu mideynayo beelaha Puntland.

Madaxweyne Gaas oo haatan booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ayaa sheegay in kulankan la qaban doono bisha January 20 ilaa uuna socon doono 30ka Janaayo 2014.

Shirkan ayaa lagu doonayaa in lagu mideeyo beelaha dega Puntland oo qaar ka mid ah ay saluugsan yihiin maamulka Puntland. Kulankan ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in uu yahay mid si gaar ah loogu doonayo in lagu soo daro maamulka Puntland beesha degta gobolada Sool iyo Sanaag.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda labadan gobol ayaa waxa ay yihiin kuwa u kala qeybsan maamulada ka jira dalka sida maamulka Somaliland,Puntland,dowlada Federalka iyo maamulka la magac baxay Khaatumo State.

Baaqa shirkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan uu madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galayr uu ku eedeeyay dowlada federalka inay maamulkiisa diidan tahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada