Majaajaliiste Ilka-case & nin la jiray oo mar kaliye wada geeriyooday

Majaajaliiste Ilka-case & nin la jiray oo mar kaliye wada geeriyooday

daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee Majaajaliiste Cabdi Maxamuud (Ilka-case) oo ka mid ahaa majaajaliistayaasha ugu caansanaa dalka Soomaaliya aadna loo jeclaa sheekooyinkiisa iyo nin kale oo la jiray, kuwaasi oo meydkooda laga helay guri ku yaal degmada Boodheere.

Guddoomiyaha degmada Boondhoore Qaasim Xasan ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay geerida Majaajaliistaha iyo ninka la jiray, kuwaasi oo loo maleynayo in ay u geeriyoodeen cabitaano ay cabeen. Qaasim Xasan ayaa Idaacadda Dalsan u sheegay in uu jiro shaki badan isla markaana baaris ay ku wadaan.

Ilka-case ayaa wuxuu caan ku ahaa majaaliladii sida weyn looga dhageysan jiray Muqdisho ee ‘Abooto kutubeey’ taasoo qaybo badan ka koobnayd uuna la jilay majaajiliistihii kale ee Soomaaliyeed Jayte oo isna sanado ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Ilka-case ayaa wuxuu sameeyay ruwaayado yar-yar oo ay dadka Soomaaliyeed aad uga heleen, kuwaasoo ka bixi jiray warbaahinta la iska arko kuwa maqalka ee Somalia, kuwaasoo ay isla jileen marxuumiinta kala ah; Cabdi Jeylani Malaaq oo 2012-kii lagu dilay Muqdisho iyo Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo bartamihii sannadkan xanuun awgii ugu geeriyooday Muqdisho.

Majaajilooyinka marxuumka uu wax ka jilay ayaa lagu cabirayay hadba xaaladda uu dalku ku sugan yahay, isagoo majaajillo aad u qosol badan oo ka hadlaysay hubka fara badan ee gacmaha shacabka ku jira la sameeyay Awkuku oo isna Muqdisho ku dhintay.

Allaha u raxmadee majaajiliiste, Ilka-Case ayaa wuxuu ka mid ahaa xubno kasii dayn jiray Telefishinka af Soomaaliga ku hadla ee Universal barnaamij loogu magac-daray Faaliyaha Qaranka oo lagu soo bandhigi jiray xaaladaha siyaasadeed ee toddobaadkaas ka jirta guud ahaan Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada