Mooshinkii ka dhanka ahaa R/W Cabdi Weli oo loo gudbiyey Baarlamanka

Mooshinkii ka dhanka ahaa R/W Cabdi Weli oo loo gudbiyey Baarlamanka

daajis.com:- War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Baydhaba ee guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegaya in Jawarai loo gudbiyey mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka, haddana warar xog ogaal ah waxa ay sheegayaan inay gaarayaan illaa 100 xildhibaan. Si kastaba warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay go’aanka guddoomiye Jawaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jawaari uu diiday mooshinka, una sheegay inuusan hor-geyn doonin baarlamanka, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu aqbalay mooshinka.

Wararka soo gaaraya Caasimada Online, ayaa sheegaya in tiro wasiiro xildhibaano ah oo ka tirsan xukuumadda Cabdi Weli ay qeyb ka yihiin xubnaha saxiixay mooshinka.


Mooshinka ayaa imanaya, ayada oo wararka ay sheegayaan in kullan xalay dhex maray saddexda mas’uul ee dalka ugu sarreysay si aad ah ay isugu dhowaadeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, islamarkaana ay isku raaceen qodobo hogaamin kara heshiis kama dambeys ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis-Ababa oo uu kaga qeyb galayo shirarka madaxda Africa, hase yeeshee waxaa mooshinkan howshiisa si xowli ah u waday Faarax Cabdul-Qaadir, Cabdikarin Guuleed iyo Fahad Yaasiin, oo dhammaantood ka tirsan kooxda Damul-Jadiid .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada