Xog Cusub:- 3 urur oo aan Al-Shabaab ahayn oo la ogaaday inay fuliyaan dilalka XAMAR

Xog Cusub:- 3 urur oo aan Al-Shabaab ahayn oo la ogaaday inay fuliyaan dilalka XAMAR

daajis.com:- Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, ayaa waxay ogaatay in saddex uruuro oo ka baxsan Ururka Al Shabaab, ay qayb ka yihiin dilalka qorsheysan ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii xubno ka tirsan uruuradaasi siyaabooyin kala gedisan loogu soo kala qab qabtay hawlgalada joogtada ah, ee maalmahaanba ka soconaayo Magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka tirsan ururada wax dila ee gacanta lagu soo dhigay, ayaa waxaa lagu hayaa Xarumaha Nabad Suggidu ku lee dahay Magaalada Muqdisho, iyadoona baaritaano dheeraad ah ay ku soconayaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Qaranka, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan, sidii ay u soo bandhigi lahaayeen macluumaadka ku aadan ururudaasi iyo cidda hogaamiso.

Sarkaalkaan, ayaa ku waramaaya in dil kastaa oo ay ururadaan geystaan loo qaato, mid uu ka dambeeyo Ururka argagaxisada ah ee Al Shabaab, sababo ku aadan ururadaan oo aan sheegan masuuliyada dilalka ay geystaan

Isagoo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayuu sheegay in tani ay wax weyn ka bedeli doonto dilalka abaabulan ee laga fuliyo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay horey u qabtay tuhun ah in xoogag ka madax banaan Shabaabka, ay dadka ku qaarajjinayaan Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada