IGAD oo soo fara-gelisay khilaafka ka dhex aloolsan Xasan Sheekh iyo C/Weli

IGAD oo soo fara-gelisay khilaafka ka dhex aloolsan Xasan Sheekh iyo C/Weli

daajis.com:- Ergayga Gaarka ee Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Mohamed Abdi Afey ayaa bilaabay dadaal lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, C/weli Sheekh Axmed oo uu khilaafkooda shaac baxay.

Ergayga oo shalay soo gaaray magaalladdan Muqdisho, ayaa waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, waxayna is dhaafsadeen aragtiyo mideysan oo lagu xalin karo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.

Mohamed Abdi Afey oo ah Diplomaasi Kenyaati ah oo mar noqday Danjiraha Kenya u jooga dalka Somalia, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in la xalin karo khilaafkaasi.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegay inay aad uga waalaacsan yihiin khilaafka Siyaasadda ee taagan, wuxuuna ugu baaqay Siyaasiyiinta Somalia inay midoobaan, oo meel iska dhigaan Khilaafkooda.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Mohamed Abdi Afey ayaa lagu wadaa inuu Kulamo Khaas ah la yeesho Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, si loo xaliyo Khilaafka taagan.

Bilowgii Toddobaadkan . Wakiilladda Ururka Midowga Europe iyo QM ee u qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed inay soo af-jaraan Khilaafkooda Siyaasadeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada