Daawo Video:- Qurba joog Muqdisho ku gowracay wiil oo dil lagu xukumay.

Daawo Video:- Qurba joog Muqdisho ku gowracay wiil oo dil lagu xukumay.

daajis.com:- Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa waxay xukun dil toogasho ah ay ku xukuntay Saciid Xaaji Xuseen, 44 sano jir ah, kana mid ah Soomaalida qurbo joogto, ee dalka Finland, kaasoo gowracay wiil dhalinyaro ah xili uu ku jiray masjid, isla markaana salaad tukanayay xiligii la uu gowracayay.

Saciid Xaaji Xuseen, ayaa 13-kii bishii hore ee October Masaajidka C/raxmaan Bin Cowf ee xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan, waxa uu ku dhex gowracay Axmed Cabdi Cosoble, iyadoo uu weliba gowracay, xilli uu tukanaayay marxuumka.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Qaranka Maxamed Xaashi Nuur, ayaa waxa uu Maxkamada Gobolka Banaadir ka codsaday in xeerka ciqaabta soomaaliyeed ee 434 oo ah dil toogasho, iyadoo lagula fulinayo meel fagaare ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu xukumay Saciid Xaaji Xuseen, kadib markii uu qirtay in si ula kac ah uu u dilay marxuum Axmed Cabdi Cosoble.

Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya in Masaajidka Alle ay ahayd in lagu badbaado, oo aynaan ahayn in dadka lagu gowraco, isla-markaana ay tani fariin u noqoneyso dadka kale ee dilalka geysanaya.


Ninka xukunka dilka ah lagu riday, ayaa waxay Xeer Ilaalintu sheegtay in uu ka mid ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland ee qaarada Yurub.

Bishii October, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdooyin qaarkood argagax badan geliyay bulshada ku nool.

Sidoo kale Maxkamadda waxay dil ku xukuntay gacan ku dhiigle kale oo lagu magacaabo Cali Axmed Macalin, isagoo ku kacay fal dambiyeed dil ah iyo jidgooyo uu u dhigtay gaari xamuul, isagoo weydiistay in la sii Hal Milyan. Waxayna Maxkamadda ku xuntay dil toogasho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada