Daawo Sawirada:- Howlgal guri guri oo laga sameeyay Muqdisho.

Daawo Sawirada:- Howlgal guri guri oo laga sameeyay Muqdisho.

daajis.com:-  Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gallo baaritaano ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ku soo qabtay hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo dad labaatameeyo ka badan oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Howl galkan ayaa gabo-gabo u ahaa wajigii koowaad howl galo gur guri lagu baarayay oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag, Warta Nabada, Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in howl galkan lagu xaqiijinayay ammaanka, isla markaana lagu soo qabtay dad kala duwan oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo uu xusay in qaarkood ay yihiin Saraakiil.

“Howlgalladii ugu dambeeyay waxaa lagu soo qabtay 82 qof, baaritaanno dheer kaddib waxaa la ogaaday in 22 ka mid ah ay noqdeen horjoogayaal la yaqaano oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan ayay amiiro ka ahaayeen, waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan gaadiid oo ay isticmaalayeen kooxaha magaalada fowdada mararka qaar ka geysanayay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf

Ciidamada Nabadsugida ayaa guryaha ay baarayeen, waxaana la arkayay ciidamada oo qolalka guryaha iyo alaabaha ku jira mid mid u baaraya, isla markaana ka raadinaya hub iyo waxyaabaha qarxa.

Intii howl galkan socdaya ayaa waxaa ilaa labo ruux lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida qamriga macmalka ah, xashiishka, kuwaasoo la sheegay inay ka ganacsanayeen, iyadoo ciidamada ay la wareegeen dhismihii lagu ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.

Howl galkan guri guriga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degmooyinka qaar, iyadoo la filayo in wajiga labaad uu ka bilowday degmooyinka kale, waxaana uu ka dambeeyay markii Gudiga Amniga Qaranka uu go’aamiyay in la sameeyo howl gallo baaritaano gur guri ah.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada