Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay kuraasta Aqalka Senate-ka Mareykanka

Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay kuraasta Aqalka Senate-ka Mareykanka

daajis.com:-  Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kuraasta aqalka Senate-ka dalka Mareykanka, kadib markii uu helay kuraastii uu u baahnaa, si uu ula wareego aqlabiyada aqalka Senate-ka.

Doorashada golaha dhexe ee Mareykanka ayaa ahaa mid aad xiiso u laheyd maalmihii u dambeeyay, iyadoo labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ay aad ugu loolamayeen helida kuraasta ugu badan ee aqalka Senate-ka

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kuraasta Senate-ka ee gobollada South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Mitch McConnell oo dib loo soo doortay gobolka Kentucy, ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha aqalka Senate-ka Maraykanka.
Xisbiga Jamhuuriga oo horey u maamullayay aqalka hoose ee Congress-ka ayaa wuxuu sidoo kale balaariyay kuraasta uu ku leeyahay aqalkaasi.

Labada xisbi siyaasadeed ee Mareykanka ugu waaweyn ayaa malaayiin dollar oo ka badan lacagtii horay loogu bixin jiray ololaha doorashada dhexe ku bixiyay loolanka adag ee ay ugu jiraan kuraasta aqalka senate-ka.

Xisbiga Jamhuuriga oo haatan maamulli doona labada aqal, ayaa awood u yeellan doona inay madaxweyne Obama ka hor istaagaan siyaasaddahiisa labada sanno ee uga dhiman xilka madaxtinimada.

Sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiyiinta waxey guul weyn ka gaareen Gobolka New Hampshire oo ay ku soo baxday Senator Jeanne Shaheen.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Dimuquraadiyiintu ay wajahayaan tartankii ugu adkaa tan iyo 1958dii, markii Jamhuuriyiinta looga hormaray kuraasta Senateka, xilligaas oo uu Madaxweyne dalka ka ahaa Eisenhower.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Obama ayaa labo sano uga dhiman waqtigiisa, iyadoo aanu dib dambe isu soo sharixi doonin, maadaama uu qabo sharciga Mareykanka in Madaxweyne xil haya in labo jeer isu soo taagi karo kaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada