Shabaab oo hogaamiyahooda AXMED DIIRIYE uga shakisan arrin yaab badan

Shabaab oo hogaamiyahooda AXMED DIIRIYE uga shakisan arrin yaab badan

daajis.com:- Iilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saraakiisha maleeshiyada Al-Shabaab ay kulan la qaaten hogaamiyaha maleeshiyada Axmed Diiriye ama Axmed Cumar (Abu Cubeyda) oo ay u cadeeyen inay uga shakisan yihiin inuu xiriir kala dhexeeyo DF Somalia iyo Beesha Caalamka.

Wararku waxa ay sheegayan in arrintaani ay ka dambeysay kadib markii dhowr jeer uu Axmed Diiriye ka biyo diiday inuu ka hadlo warbaahinta, islamarkaana uu DF iyo beesha caalamka weeraro, si kooxda ay taageerayaal u kasbato.

Sida la ogyahay Axmed Diiriye weli wax hadal ah ma uusan jeedin tan iyo markii uu beddelay Axmed Godane.

Abuu Xamsa oo ka mid ah horjoogayaasha ayaa website ku xran Shabaabka ka sheegay in mudooyinkaani ay jireen shakiyo laga qabay qaabka uu talada hoggaanka u wado Axmed Diiriye, wuxuuna cadeeyay in arrintaasi ay iminka ka dhalatay khilaaf u dhexeeya kooxda.

Dhanka kale, Axmed Diiriye, ayaa sidoo kale diidan duubo cajalado dhaxal gal u ah maleeshiyada, waxa ayna warar hoose sheegayaan in kooxda ay isku khilaafsan yihiin in xilka laga qaado Axmed Diiriye iyo in uu si wanaagsan u buuxiyo booskii uu taagnaa Axmed Godane.

Al-Shabaab ayaa rumeysan in hadallada hogaamiyayaasha ay qeyb ka yihiin dagaalka kooxda. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in aamusnaanta hoggaamiyahooda ay muujineyso guul-darro, xilli kooxda dhulal badan laga qabsaday.


Ma cadda sida ay maleeshiyadu ka yeeli doonto, inkastoo ay farta kuwada godeen in arrinta ugu weyn ee shakiga dhalisay ay tahay aamusnaanta xad la’aanta ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada