Sawirro: Dr. BEYLE oo baabuur tikniko ah kaxeystay kadibna si qasab ah xilka uga qaaday Gen. Ismaaciil Qasim Naaji

Sawirro: Dr. BEYLE oo baabuur tikniko ah kaxeystay kadibna si qasab ah xilka uga qaaday Gen. Ismaaciil Qasim Naaji

daajis.com:-  Shalay oo ahayd 26-ka November 2014, Saacada markay aheyd abaarihii 11:00 Subaxnimo waqtiga Yemen, ayaa waxaa safaaradda Soomaalida soo galay Gawaari gaashaaman iyo ciidamada farabadan, waxayna ku qamaameen dhammaan xafiisyadii ay ka koobnaayeen Safaaradda Soomaalida Sanca, iyo gurigii uu deganaa Safiirka Soomaalida.

Ciidamada duulaanka ku qaaday safaaradda, ayaa waxaa la socday Cabdirahmaan Ducaale Beyle oo ah Wasiirka Arrimahada Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida xubno ka tirsan safaaradda ay u sheegeen Caasimada Online , waxaa ay askartii dharbaaxin iyo handadaad ay  ku billaabeen diplomaasiyiintii ka howlgaleysay Safaaradda Soomaalida iyo Shaqaalaha aan joogta aheyn ee ka shaqeeyo Safaaradda, waxaana si qasab ah looga qaaday furayaashii. Sidoo kale waxaa ay baarayeen xafiisyada ku dhex yaal guddaha Safaaradda Soomaalida.

Bahdilaadda loo geystay safiirka Soomaaliya ee Yemen Ismacaiil Qaasim Naaji iyo shaqaallaha Safaaradda waxaa hormuud ka ahaa Sayid Axmed Xamiid Omar oo ahaa Safiirkii Yemen u joogay Magaaladda Muqdisho 7 sanno ka hor. Sidoo kale waxaa socday sii hayaha Safaaradda Yemen ee Soomaaliya Surqi, waxaana jir dil iyo tahdiid la isugu daray Shaqaalaha Safaaradda.

Xilliga ay arrintan dhacday, Safiir Ismaaciil Qaasim Naaji waxaa uu ku maqnaa banaanka Safaaradda oo uu shir kula lahaa waaxda socdaalka Yemen oo uu kala hadlayey sidii dadka raba in ay Soomaaliya ku noqdaan loogu fududeyn lahaa isla markaasina ay u heli lahaayeen sahay ku filan.

Safiirka oo aan horey loo wargelinin, ayaa markii uu safaaradda yimid, waxaa uu ka warhelay in la yiri “waxaan rabanaa in aad ku wareejisid Safiirnimada nin ka shaqeeyo safaaradda oo la yiraahdo Xuseen Maxamed Suufi” oo ah nin reer Muqdisho ah oo safiir Naaji u ahaa Lataliye.

Shaqaalaha safaaradda yaaa Caasimada Online u sheegay in lagu handaday in uu si deg-deg ah u saxiixo warqad ay iyaga soo qorteen oo ku qorneyd afka Carabiga oo aan aheyn mid rasmi ah, taasi oo sheegeysay inuu xilka ka degay.

Sidoo kale waxaa argagax la geliyey xaaska Safiirka oo xannuunsaneyd in muddo ah oo markaas laga soo bixiyey Isbitaal ay in muddo ah ku jirtay, lana socotay safiirka, waxaana loogu hanjabay in ay haddii ay ka degiweyso guriga looga saari doonno si qasab ah oo aan baryo aheyn.

Shaqaalada safaaradda ayaa sheegay inay la yaabeen dhacdadan, sababta oo ah ayaga oo aan qasab lagu muuqinin ayay diyaar u ahaayeen inay xilka ka degaan.

Shaqaalaha safaaradda ayaa sheegay inay dooneyaan in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka hadlaan arrintan, kana bixiyaan jawaabta ku habboon in xad gudub loo geysatay Safiir si sharci ah ay dowladda u soo magacaawday iyo in Safaaradda dhexdeeda la keeno ciidan ku hubeysan Tikniko sida aad ku aragtaan muuqaalka hoose.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada