Dowladda Kenya oo ciidan saareysa gawaarida Rakaabka ah ee kabaxaysa Magaalada Mandheera

Dowladda Kenya oo ciidan saareysa gawaarida Rakaabka ah ee kabaxaysa Magaalada Mandheera

daajis.com:- Magaaladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa ka soconaayo qorshe ciidan lagu saaraayo, basaska ka amba baxaaya Magaaladaasi ee ku sii jeeda Magaalooyinka kale ee Kenya.

Shaqaalaha Dowladda, ayaa maalintii Insiinta buuxiyay Garoonka Ciidamada Cirka Kenya ay ku lee yihiin Mandheera, iyagoona sheegay inay walwal ka qabaan weeraro kaga yimaada Al Shabaab, isla-markaana la calaamadeystay guryahooda.

Tallaabada ciidanka lagu saaraayo basaska, ayaa waxay Kenya ku dooneysaa inay wax kaga qabato, weerarka ay Shabaabku u geysanayaan shacabka.

Gudoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Robo, ayaa wuxuu dadka u sheegay inay is dejiyaan, isla-markaana loo samayn doono ilaalo gaar ah, oo basaska ku wehlisa.

Dhanka kale Dowladda Kenya, ayaa waxay ciidan xoog leh ay dhigtay wadooyinka qardo jeexa ah, ee ay suurta galka tahay in Shabaabku ay gaadiidka dadweynaha ku weeraraan.


Ururka Al Shabaab, ayaa Sabtidii ku hanjabay inay sii wadi doonaan beegsiga shacabka reer Kenya, ilaa iyo inta ay Ciidamada Kenya ka joojinayaan waxyeelada ay u geysanayaan Muslimiinta.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada