Sidee Loogu Diyaar Garooba Waxbarasho jaamacaded. (Qalinkii: Mohamed Omar)

Sidee Loogu Diyaar Garooba Waxbarasho jaamacaded. (Qalinkii: Mohamed Omar)

daajis.com:- "Education is not preparation for life ; Education Is Life it self " 
                                                                         
                                                                                          JOHN DEWEY

 Salaaam sharafeed kadib, Sidaaan lawada socono walaalayaal shaki kuma jiro inay waxbarashadu tahay shayga  kaliya ee uu qofka bini,aadam ka ahi uu  ku xaqiijin karo mabaadi,da Nolosha (Life Principles). Hadaad Maqashid qof baa horumar gaaray ama dad baa dayaxa tagay ogow waxa kaliya ee arintaas u suurta galiyey inay tahay Waxbarasho.

Hadaaan usoo daadago dulucda maqaalkayga, sidaaan lawada socono qof waliba oo hami sare leh wuxu jecelyahay ama ku taaamayaa inuu maqaaam sare ka gaaro waxbarashada, soona taaabto halka ugu saraysa ee  lagu furo geediga waxbarashada in kastoo aan aamisanahay inaysan jirin meel ay waxbarasho kudhamaado oo daqiiqad walba oo cimrigaaga kamid ah aad u baahan tahay inaad wax korarsatid hadana wax walba waxay leeyihin meel sare oo laga gaaro.


Waxbarasho  heer jaamacaded ah  waxay kamid tahay waxyaabaha aan ku taamayno in badan oo inaga mid ah si loo gaarana waxay u baahan tahay waddo dheer iyo dadaaal waqti qaata oo ka horeeya.  Haddaba waxaan jeclaystay  inaan in yar idinla wadaaago inta eebe iga garansiiyo hababka ama qaababka ugu sahlan oo uu qofka doonaya waxbarasha heer jaamacaded ah uu ugu diyaar garoobi karo, ama hadaaan si kale u dhigo waxyaabaha looga baahan yahay ruux ay maankiisa ka guuxayso waxbarasho heer jaamacadeed ah.

   1. Dooro meeshaad ku fiicantahay 

 Waxaaad ogaaataaa wax walba oo labarto waxay leeyihin faa,ido waaana lagu intifaaacaaaa, anoo og ruux walba inay jirto wuxu jecelyahay inuu barto ama ku kutakhasuso, hadana waxaa jirta ruux walba meel uu ku fiicanyahay kana mira dhalinkaro, Tusaale ahaan waqtiga waxbarashada dugsiga sare waxaan ogsoonahay in arday walba meel uu ku fiican yahay waxaa jirta arday aad ugu fiican xisaaabta iyo physics ka, kuwa aad ugu dheereeya taarikhda iyo juqraaafiga iyo maadooyinka laxiriira, kuwa ku fiican culuumta iyo science ka  kuwa kale oo ku fiican maadooyinka islamiga ah sida, Tarbiyah islaamiyah, fiqhi, tafsiir, xadiith iyo I.W.M.

Hadaba markaad marxalad jaamacaded usoo gudubtid dooro faculty xiriir laleh waxaad ku fiicnayd markaagii hore, taasi waxay kaa caawin doontaa inaadan caqabado badan kala kulmin intaad kuguda jirtid Hayaanka dheer ee waxbarashada jaamacada.

Waa qodob ay mudantahay inaaad fiiro gaar ah u yeelatid mxaa yeelay haddii adigoo ilaa dugsigaagii hoose uu xifaaaltan ba,an idinka dhaxeeyey maadada xisaaabta, oo aad dugsigaagi sare dhamaysay adigoo wali fara kulul isku haya, Markaad marxalada jaamacada bilaaabayso ha dooran faculty ay aad ugu badan tahay xisaaabtu, waaayo waxaa macquul ah inaad culays badan kala kulantid jaamacada, ugu dambayna ay sabab u noqoto inaad ka hartid waxbarashadaadi aad waqtiga iyo kharashka badan ay kaaaga baxeen.

Hadaba waa lama Huraaan inaad dooratid meel aad isleedahay waad ku fiicantahay waaadna kasoo dhalaali kartaaa intaad ku guda jirtid geedigaaga waxbarasho.

 2. ka feejignow hakad waxbarasho

  Waxaad u baaahan tahay inaad iska ilaalisid hakad waxbarasho oo muddo dheer ah iyo kala go, kuyimaada taxanahaaga waxbarasho, adigoo muddo dheer kamaqnaa goobaha waxbarasho muddo horana dhameeyey dugsiga sare, hadaad jaamacada bilowdid goor dambe adigoon courses dib u raaricin ah aaan ku naqtiimin waxaa dhici karta inaad caqabado kala kulantid waxbarshadaada jaamacaded, sababtoo ah muddada dheer ee aad kamaqnayd iyo hakad ka kuyimid waxbarashadaada.

3. Luuqada aad rabtid inaad wax kubarato.
waxa lama huraaaan ah inaad sifiican u taqaaanid una adeegsan kartid  luuqada aad rabtid inaad jaamacada kubaratid, naxwa ahaaan, qoraaal ahaaan, kudhawaaqid ahaaan iyo wixii luuqad looga baahan yahay oo dhan.

 Tusaale ahaaan hadaad rabtid inaad English wax kubaratid waa inaad  ilaa heer adeegsan kartaaa luuqada english ka. waliba Eglish Academic, oo inta badan jaamacadaha aad looga adeegsado. 

Waxaad u baahantahay terminology badan oo laxiriira qaybta aad baranayso. sidaas daraaded usoo diyaar garow, waxbadana isku day inaad adeegsan kartid ilaaa heerka ugu sareeya luuqada aad qorshaynaysid ilaaa jaamacada kudhigatid.

4. inaad fikir ka haysatid waxaad rabtid inaad barato.
Waxaa haboon inaad macluumaad kooban ka haysatid waxaad rabtid inaad baratid ka hor intaaadan jaamacada bilaaabin, concept aad kaheshid waxaad ku haminaysid inaad barato waxay kaa caawin doontaaa inaad si fudud ula qabsatid jaamacada.

Fiiro Gaar ah : hadaad kuhaminaysid waxbarasho jaamacaded aadna si gaar ah ugu baahan tahay talooyin waxaad igala soo xiriiri kartaa emailkan : burhaanomar@gmail.com.. waxaan si xushmad iyo tixgalin ku dheehan tahay Kuula wadaaagi doonaa talooyin wax ku ool ah iyo Khibradii aan ka korarsaday  geedigaygi waxbarashada jaamacada ee  qaaatay mudada badan ilaa hadana sii socda.

LASOCO QAYBTA 2AAD EE MAQAALKA INSHA,ALAAH...
           MAHADSANIDIIN..

    W/Q: Mohamed omar jama (Somali)

    Bachelor in economic and business

   Concentration: Human Resource and Marketing.

  Master Degree :  international relations and diplomacy,(Continue...




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada