S/land oo wafti u dirtay Turkiga, halka Somalia aysan weli dirin

S/land oo wafti u dirtay Turkiga, halka Somalia aysan weli dirin

daajis.com:-  Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa gaaray dalka Turkiga, wafdigaasina wuxuu gogol xaar u yahay shirka wada hadalada u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland.

Wafdiga Somaliland ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaana ku wehliya safarka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cadami.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa weli shaacin wafdiga ugu qeybgalaya wada hadalada hordhaca ah, inkastoo ay horay Somalia u codsatay in dib loo dhigo wada hadaladaasi horaanta sanadkan.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cadami ayaa sheegay in mar walba hadii ay yihiin Somaliland diyaar u yihiin in wada hadalada ka qeyb galaan iyo wixii lagu balamay, inkastoo dhinaca dowladda Soomaaliya uu xusay inuu gaabis ka jiro.

“Mar walba waxaa diyaar u nahay ilaa maalintii la balamay ilaa iyo hada in Somaliland ka qeyb qaadato wada hadalka iyo meel walba oo garta lagu dhigayo”ayuu yiri Wasiir Xirsi.

Sidoo kale wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in ajandayaasha wada hadalada uu yahay sidii loo hirgelin lahaa gudigii farsamada ee labada dhinac isla go’aamin lahaa waxyaabihii horay looga heshiiyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada