VIDEO:- Madaxweynaha oo kulano la qaatay Xildhibaanada ka soo hor jeeda Mooshinka

VIDEO:- Madaxweynaha oo kulano la qaatay Xildhibaanada ka soo hor jeeda Mooshinka

daajis.com:- Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii Dowlada iyo Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada uu kala qeybiyay labo dhinac, saddexdii kulan ee u dambeeyayna ay kal fadhiyadii Baarlamaanka buuq iyo fowdo hareeyeen, taasoo xaalada siyaasadeed ka dhigtay mid cakiran.

Kulamo iyo dadaalo xal loogu raadinayay kala aragti duwanaanshaha Xildhibaanada oo hada noqday culeyska ugu weyn ee hor-taagan sii socoshada kulamada Baarlamaanka ayaa ka socday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya tan iyo xalay, iyadoo kulamadaas xal raadinta ah ay ku lug lahaayeen Madaxda dowladda.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo saakay kulamo la qaadanayay labada dhinac ee Xildhibaanada, waxaana kulankii ugu adkaa uu la yeeshay Xildhibaanada diidan mooshinka.


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Jawaari ayaa kulamo wada jir ah xalay la qaatay Xildhibaanada diidan mooshinka ee taageersan Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo uu kala hadlay sidii xaalada loo dejin lahaa, isla markaana howlihii Baarlamaanka dib loogu bilaabi lahaa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada