SHEEKO CUSUB:Urur Ku Midaysan yahiin Gabdhaha Garoobada Soomaliyed Oo looga Dhawaqay Minnesota.

SHEEKO CUSUB:Urur Ku Midaysan yahiin Gabdhaha Garoobada Soomaliyed Oo looga Dhawaqay Minnesota.

daajis.com:-Agaalada Minneapolis ee xarunta gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa Toddobaadkaan loogu dhawaaqay Urur ay ku mideysansan yihiin Haweenka Garoobada Soomaalida ee gobalkaasi Minnesota u dhaqan.

Ururkaan ayaa waxaa loogu magac daray “Maxaa Naloo Furay” waxaana maskaxdiisa lahaa Gabar kamid ah Haweenka Garoobada/Carmarka ee ku dhaqan magaalada Minneapolis laguna magacaabo Roodo Suuleey.

Roodo Suuleey oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay inay Ururkaan “Maxaa Naloo Furay” sameysay kadib markii ay gobalkaasi Minnesota kusoo bateen Gabdhaha Soomaalida ee Garoobada ah kuwaasoo Siyaabooyin kala duwan u bur-bureen Qoysaskooda waxeyna sheegtay in magaca ururkaan ee ah “Maxaa Naloo Furay” ay la sameeyeen Gabdho Garoobo ah oo ay  isku beel-yihiin kuna dhaqan dalka Mareykanka.

Roodo Suuleey waxay sidoo kale sheegtay inay inta badan Ururkaan xubno ka yihiin Gabdho lagu soo furay wax ka yar Labo Bilood kadib Arooskooda kuwaasoo sheegtay inay Niyad Jab xoogan kala kulmeen Furoowgaasi isla markaana badankooda barteen Balwado kala duwan oo ay ugu horeyso Qaadka, Sigaarka iyo Shiishada.

Roodo Suuleey waxay xustay in Xubnaha ururkaan kamid noqonaya loogu baahan yahay Daacadnimo inaysan Noloshooda waxba ka qarin Taariikhda ku saabsan qaabka loo soo furay, waxeyna xustay inay iyada Shaqsiyan loo soo furay arrimo aad u culus oo ay tilmaamtay.

“Aniga waxaan is guursanay Wiil lagu magacaabo Maxamed, kadib Habeenkii ugu horeysay ayaan waxaan isla seexanay Hoteel ku yaala magaalada Ohio ee dalka Mareykanka, maaalmo kadibna waxuu isiiyay Warqadeyda Furiinka, isagoo ii sheegay inuu iga qaaday xanuunka Jabtada ama STD kaasoo laga qaado Galmada kala duwan sidaas ayuuna Qoyskeyga ku burburay” ayay tidhi Roodo Suuleey.

Gabadhaan ayaa sheegtay inay Niyad Jab xoogan ka qaaday Furiinkaasi taasina ku kaliftay inay barato balwado kala duwan oo ay kamid tahay Cabista Shiishada, waxeyna xustay inay Shil gashay oo ay Qoorta ka jabtay xiligaana Qoorta ay ugu jiraan Biro.

Waxeyna xustay in Guddoomiye Ku-xigeenka Ururkaan Maxaa Naloo Furay ay tahay Gabar ay Qaraabo yihiin taasoo ay sheegtay inay iyadana lagu furay Labo Toddobaad markii la qabay kadib markii ay sheegtay in laga waayay Gabadhnimadii waloow ay xustay in markii dambe Wiil ay Qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Mustafe Koosafaare uu qaraabo kiibay, balse ay Maskax ahaan ilaa iyo hada u fadhin maadama si weyn ay ugu naxday furiinkii hore ee Labada Toddobaad gudahood lagu furay.

Ugu dambeyntii, waxey Roodo Suuleey ugu baaqday Gabdhaha Garoobada ah ee ku nool Meneapolis inaysan qarsan dhibaatooyinka ay ku bur-bureen Qoysaskooda isla markaana kusoo biiraan Ururkaan ay Guddoomiyaha ka tahay ee “Maxaa Naloo Furay” iyadoo sheegtay inay Dowlada Mareykanka u bandhigayaan Ururkaan isla markaana Dhaqaale iyo Taakuleyn kala duwan ay Dowlada u fudin doonto xubnaha ururkaan kamid ah.

Si kastaba ha ahaatee, ururkaan “Maxaa Naloo Furay” ayaa noqonaya mid si weyn maalmahaan ay u hadal-hayaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis kuwaasoo La-yaab xoogan ku noqotay in Gabdho Soomaaliyeed ay u bareeraan sameysashada urur noocaan ah taasoo ku tilmaamayaan mid si weyn ugu fog Dhaqankii wanaagsanaa ee Soomaalida laheyd.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada