Wariye Silver oo kooxo hubeysan ay ku toogteen Waq- Gaalkacyo

Wariye Silver oo kooxo hubeysan ay ku toogteen Waq- Gaalkacyo

daajis.com:- Kooxo aan la garaneyn ayaa fiidkii xaley magaalada Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogtay  Warye u shaqeynayay idaacadda Daljir iyo Telefishinka Horn Cable, iyadoo ay baxsadeen kooxihii falkan dilka ah geystay.

Wariye C/risaaq Cali Cabdi (Silver) ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Puntland, waxaana kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku toogteen xaafada Xero Darwiish ee bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Wariye-silverGoob joogayaal ayaa sheegay in labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysnaa ay xabado madaxa kaga dhufteen Wariyaha, iyadoo uu goobta ku ruux baxay.


Ciidamada Ammaanka oo soo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaa howl gallo ay sameeyeen aysan u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.



Allaha u naxariistee Wariyahan ayaa sidoo kale u shaqeynayay Telefishinka Horn Cable ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, waxaa uu horay uga soo shaqeeyay idaacado dhowr ah oo ku yaal Puntland. Wariyaha ayaa ifka kaga tegay Xaas iyo Labo caruur ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada