Xildhibaano taageersan R/wasaare Abdiweli oo Itoobiya eedeyay

Xildhibaano taageersan R/wasaare Abdiweli oo Itoobiya eedeyay

daajis.com:- Xildhibaanada taageersan Ra’iisal Wasaaraha Somalia. C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo galabta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay ka fiirsanayaan xiriirka Dowladda Itoobiya oo ay ku eedeeyeen inay dabada ka riixeysay doorashadii Baydhabo.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo Shir jaraa´id uu qabtay gabagabadii kulankaasi xildhibaanada yeesheen ayaa doorashada Baydhabo ka dhacday ee lagu doortay Shariif Xasan Sh. Aadan ku tilmaamay mid xoog ku timid isla markaana dhabarka ka riixeysay Dowladda Itoobiya.

“Doorashaaan waxaa dhabarka ka riixaayay Dowladdo shisheeye gaar ahaan Itoobiya oo markii hore xiriir fiican naga dhaxeeyay, laakiin hadda kadib waan ka fiirsanaynaa.” ayuu si kulul u yiri Xildhibaanka

“Itoobiya iyadaa u fududeysay in doorashada uu ku soo baxo Shariif Xasan Sheekh Aadan, laakiin wax soconaaya maaha.”ayuu yiri Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo sheegay in dadka deegaanka ay dareenkooda ka muujiyeen doorashadaasi, xoogna aan lagu noqon karin maamul.


Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale), ayaa isna doorasho aan xalaal ahayn ku tilmaamay middii shalay ka qabsoomtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa soo baxaya khilaaf hor leh oo ku saabsan doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo, iyadoo xafiiska Ra´iisul Wasaaraha uusan ku qanacsaneyn doorashadaasi, halka Madaxweynaha iyo wasiiro kasoo horjeeda R/waasaraha ay soo dhoweeyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada