Akhriso:- Sheekh Abuu Qataadah Oo Daacish Ku Tilmaamay Eeyada Naarta

Akhriso:- Sheekh Abuu Qataadah Oo Daacish Ku Tilmaamay Eeyada Naarta

daajis.com:-  Sheekh Abu Qatadah oo kamid ah culimada Salafiga ah ee sida weyn caalamka looga yaqaan oo kajawaabay suaal ay weydiiyeen Mujaahidiinta Al-nusra ayaa kajawaab celiyay.

Sheekha ayaa waxaa laweydiiyay Caadifada kooxda Baqdadi , sheekha oo suaashan kajawaab celinayay ayaa kooxdan Daacish ku tilmaamay inay yihiin koox baadi ku sugan, Sheekha ayaa si faah-faahsan u kala dhigay jawaabta, asigoo u hambaliyeeyay Mujaahidiinta dhulka Shaam.

Abu-Qatada ayaa kooxdan Daacish sidoo kale ku sheegay inay yihiin Eeyada Naarta asigoo kaga digay umadda Muslimka ah inay ku sirmaan hadalkooda ah inay yihiin Khilaafada Islaamiga ah Sheekha ayaa yiri ” dadka caqliga leh kuma kadsoomayaan hadalka kooxda ee ah inay yihiin dowladd Islaami ah balse waxaa ay eegayaan Manhajkooda ku dhisan gaaleysiinta dadka Muslimka ah gaar ahaan Mujaahidiinta.

Abu Qatadah ayaa dhanka kale ka hadlay kooxdan dilal ay ugeysatay Muslimiin badan, asigoo sheegay inay gaaleysiyaan dadka Muslima ah, culimada Salafiga ah ayaa kadigay khatarta caqiido ee kooxdan halka ay siyaasiyiinta iyo dadka Islaamka wax ka qora sheegayaan inayba dhici karto in kooxdan ay sameysteen Reer Galbeedka si loogu cirib jaro Mujaahidiinta kale ee Salafiga ah.

HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA SHEEKH

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada