Al-Shabaab oo Taliye Ciidan iyo askar badan oo katirsan Ciidanka Dowlada ku dishay Weerar Gaadmo ah

Al-Shabaab oo Taliye Ciidan iyo askar badan oo katirsan Ciidanka Dowlada ku dishay Weerar Gaadmo ah

daajis.com:-Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saakay aroor hore waxa ay weerar qorsheesan ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Milatariga Soomaaliya ku lahaayeen Deegaano kuyaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Weerarka Al-Shabaab fuliyeen ayaa ka dhacay Deegaano lagu magacaabo Tixsiile iyo Warmaxan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo xoogan oo socday ku dhawaad saacad, waxa ayna dadka deegaanka ku warameen in dagaalka uu ka dhashay qasaaro xoogan.

Ku dhawaad 10-Askari oo katirsan Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya uu ku jiro Taliye ciidan ayaa la sheegay in lagu dilay Weerarka Al-Shabaab saakay ku qaadeen Deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan ee kuyaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ay jiraan gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo lagu gubay weerarkaasi, dadka deegaanka waxa ay sheegeen in weerarku uu bilowday salaadii subax ee saakay xili ay inta badan hurdeen Ciidamada Dowlada ee la weeraray.


Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya wali kama aysan hadlin Weerarka Al-Shabaab saakay ku qaadeen fariisimaha ay ku lahaayeen Gobolka Sabeelaha Hoose, Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay weerarkan ayaa guulo waa weyn sheegay in ay ka gaareen ayna laayeen Ciidamo katirsan Dowlada sidoo kale ay gubeen Gawaari dagaal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada