Ciidamada dowladda oo si nabad kula wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda oo si nabad kula wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

daajis.com:-Ciidamo fara badan oo ka tirssan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegay degmada Guriceel, iyadoo ciidankii kale ee ka tirsanaa Ahlusuna ay isaga baxaan.

Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid degan, iyadoo aanay wax dagaal ahi ka dhicin, waxaana dadka deegaanka ay isugu soo baxeen wadooyinka, si ay u arkaan ciidanka dowladda ee qabsaday Guriceel.

Ciidamada dowladda ayaa jimcihii laga saaray degmada Guriceel, markii uu dagaal kooban uu halkaas ku dhex maray qeyb ka mid ah ciidanka Ahlusuna.

Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidankii ka tirsanaa Ahlusuna ay labo dhinac kala aadeen, waxaana qeyb ka mid ah ay u baxeen dhanka Xeraale,.


Sidoo kale ciidamo kale oo uu watay Cabdi Waal ayaa iyana u baxay deegaanka Geri-Jire oo 60-KM galbeed ka xigta Guriceel, halkaasoo u dhow dhinaca xuduuda Itoobiya.

Xaalada degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa ah mid degan, waxaana labadaas degmo si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Federaalka.

Dagaalo labadii maalmood u dambeeyay ka dhacayay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa uu salka ku haya maamulka deegaanka iyo qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada