Isticmaalka Badan Ee Kombuyuutarka Oo La Ogaaday Inuu Sababo Dhabar Xanuun

Isticmaalka Badan Ee Kombuyuutarka Oo La Ogaaday Inuu Sababo Dhabar Xanuun

daajis.com:-Dadka inta badan wax ku qora kombuyuutarada casriga ah iyo Ipod shaashada laga isticmaala ayaa ay ka cawda muruqyo xannuun iyo dhabar xannuun sida cilmi-baaris cusub lagu iftiimiyey.dhabar xanuunka

Khubarada daraasadan samaysay waxay sheegeen in qofku haddii uu muddo badan wax ku qoro kombuyuutarada laptop-ka ah, buuggaagta iyo Ipod-ka ay keenaan in jirka qaybo ka mid ah noqdaan qaar si xawli ah u shaqeeya, gaar ahaan maqaarka iyo muruqyada, haddii muruqyadu nasasho wayaan inta badana waxay keenta in qofku uu daalo,garbihiisuna noqdaan qaar xannuun dareema  sida ay iftiimiyeen cilmi-baarayaashan ka tirsan Jaamacadda Northern Illinois ee dalka Maraykanka.

Hadii qofku uu isticmaalo muddo badan kombuyuutar, waxna  ku qoro waxay keenta in dhabarka  iyo garbaha qofka xannuun ka soo asiibo,” ayuu yiri Jeong Ho Kim oo daraasadan khubarada qortay hoggaaminaayey. Daraasad ay sameeyeen khubaradan qalliinka ku takhasustay waxay bedka soo dhigeen in haddii qofku madaxiisa hoos u dhigo xagal 60 degre ah amma marka  uu wax qoraayo ah waxay la mid tahay isagoo culays aad u badan saaray laf dhabarta, taasina ay keento in laf-dhabartu marnaato.

Cilmi-baaristan oo lagu daabacay jariirada lagu magacaabo Applied Ergonomics, ayaa khubaradu ku sheegeen in dadka ay baaritaanka ku sameeyeen oo  aan lahayn markii hore dhabar xannuun hasayeeshee markii ay caadaysteen isticmaalka Kombiyuutarka ay dareemeen xanuun dhanka dhabarka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada