Baaris Kadib Waxaa La Ogaadey Maalka ay Helaan Ururada "Jihaaddoonka"

Baaris Kadib Waxaa La Ogaadey Maalka ay Helaan Ururada "Jihaaddoonka"

daajis.com:-Baaris la sameyay ayaa lagu ogaaday in kooxaha jihaad doonka ah ay yaraaneyso ku tiirsanaantooda deeqaha dhaqaale ee ay ka helaan hantiilayaasha.


Si aad u sareysa, waxaa la ogaaday in ururada sida, Dowladda Islaamka, Taliban iyo kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab in ay helayaan ilo kale oo dhaqaale oo ay ka mid tahay alaab lagu iibiyo suuq madow, maamulidda kotorbaanka iyo iibinta khayraadka dabiiciga ah.


Baaristan, oo ay ka qeybgaleen khubaro ka socotay machadka Royal, ayaa lagu ogaaday in kooxda ugu daqliga badan inay tahay Daacish, xilligan casriga ah.

Waxaa lagu qiyaasay in sanadkastaa ay helaan lacag ka badan laba-bilyan oo dollar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada