Baarlamaanka Kenya Ayaa Soo Saarey Hindise sharciyeedka ammanka Kenya Oo Dood Badan Dhaliyay..

Baarlamaanka Kenya Ayaa Soo Saarey Hindise sharciyeedka ammanka Kenya Oo Dood Badan Dhaliyay..

daajis.com:-Baarlamaanka Kenya waxa uu ansixiyay hindise sharciyeed dood badan dhaliyay oo looga gol leeyhay in sare loogu qaado awoodda maamulka si ay wax uga qabtaan argagixisada iyo arrimaha ammaanka.

Xubnaha baarlamaanka ayaa waxa ay ku howlanaayeen dood kulul khamiistii kahor inta aan la meelmarin hindise sharciyeedkaasi, ay mucaaradka sheegeen inuu ku xadgudbayo xuquuqda aasaasiga ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay weerareen dalka Kenya dhowr jeer oo hore.
Hindisahan la soo jeediyay ayaa waxa uu siinayaa madaxweynaha iyo laamaha mukhaabaraadka awoodo dheeraad ah.

Qoddobada hindisahan ku jira ayaa waxaa ka mid ah

  • In ay awood u leeyihiin maamulka in ay xiraan dadka lagu tuhmo argagaxiso ilaa iyo sanad.
  • Mukhaabaraadka oo la siiyo awoodo dheeraad ah oo ay ku dhageysan karaan xiriirka dadka iyagoo aan maxkamad ka helin ogalaansho.
  • Iyo weriyayaasha oo laga doonayo in ay fasax ka helaan boolsika inta aysan sameyn warbixinada baaritaanka ah ama aysan daabicin sheekooyinka argagaxisada guddaha dalka ka jira iyo arrimaha ammaanka.

Hindise sharciyeedkan ayaa hadda waxa eegaya guddiga dib u eegida, kahor inta aanan loo gudbin madaxweyne Uhuru Kenyatta si uu u soo saxiixo.
Waxaana ay weriyayaasha sheegayaan in guddiga ay suuragal tahay in uu isbedel ku sameeyo hindise sharciyeedka maadaama ay axsaabta oo dhan ay taageersan yihiin.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in uu doonayo in hindisahan uu noqdo mid sharci ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada