Pardew & Aguero Oo Ku Wada Guuleesteen Macalinka Iyo Xidiga Ugu Wanaagsan EPL Bishii November

Pardew & Aguero Oo Ku Wada Guuleesteen Macalinka Iyo Xidiga Ugu Wanaagsan EPL Bishii November

daajis.com:- Macalinka naadiga New Castle Alan Pardew ayaa ku guuleestay tababaraha ugu wanaagsan Premiership-ka England bishii November ee aan dhawaan kasoo gudubnay.

Halka weeraryahanka kooxda Man City Sergio Aguero isagana loo doortay inuu yahay xidigii ugu wanaagsanaa horyaalka England isla bishii an kasoo gudubnay.

Pardew oo 53-jir ah ayaa 3-guul gaarsiiyay kooxdiisa New Castle bishii November 4-kulan oo ay cayaartay wuxuuna abaal marintan ku garaacay ama kaga guuleestay tababaraha Chelsea Jose Mourinho iyo macalinka Man City Manuel Pelligrini.

Waxayna u ahayd markii 3-aad oo uu ku guuleesto macalin Alan Pardew abaal marintan bilaha ah ee lagu qiimeeyo shaqsi wax qabadkiisa bilaha ah.

Sidoo kale Sergio Aguero isagana wuxuu bishii November dhaliyay 3-gool oo ay la wadaageen xidigaha kala ah Charlie Austin (QPR) iyo Danny Ings (Burnley) balse Aguero ayaa ku guuleestay codadkii la qaaday.

Aguero haatan garoomada dhaawac ayuu kaga maqan yahay balse dhawaanahan wuxuu lasoo baxay dhalin dheeraad ah iyo waxqabad aan loo dhawaan Karin taasi ayaa sababtay in markii uu labaad uu ku guuleesto abaal marinta bilaha ee laga bixiyo dalka England.

xigasho:- Laacib FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada