Qaramada Midoobay “Turkiga wuxuu Tusaale u yahay caalamka intiisa kale”

Qaramada Midoobay “Turkiga wuxuu Tusaale u yahay caalamka intiisa kale”

daajis.com:- Ka dib wixii ka danbeeyay markii wafdi heer caalami ah oo ka socda dalka Turkiga uuna hogaaminayo ra’iisal wasaarihii xiligaasi Recep Tayyip Erdoğan soo gaareen Muqdisho kana qeyb qaateen samata bixinta dadkii abaartu ay hala keysay ayaa Turkiga loo aqoonsaday hormuudka dalalka kaalmeeya Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Kilian Klleinschmidt,ayaa sheegay inaan indhaha la iska tiri Karin hormarada isdaba jooga ah ee Dowlada Turkiga ka sameysay kana wado Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay mas’uulkaan Qaramada Midoobay ka tirsan Mashariicda ay ka fulisay dalka xukuumada Ankara waxaa ka mid ah, bixinta gargaar la siiyay dadka dhibaateysan dhishama wadooyinka ku bur buray dagaaladii sokeeye, Cisbitaalada iyo waliba dhismooyin kale oo badan.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu shaaciyay in intaasi ay kasii muhiimsan tahay in indhana beesha caalamka ay ku soo jeediyeen Soomaaliya markii abaarta iyo Gaajada ka dhacday Soomaaliya sanado badan ka hor.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa ku amaantay Turkiga hormaro badan ay ka sameysay Soomaaliya sida dhismaha goobo Waxbarasho iyo dib u furidooda, tababarida Ciidamada Booliska iyo bilaabida duulimaad toos ah ah diyaaradii Turkish Airlines.

Waxaa sidoo kale Dowlada Turkiga ku dhawaaqday mashruuc loogu magacdaray mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul, waxaana iyadoo arimahaasi laga duulayo nalal soolarka ku shaqeynaya la geliyay wadooyinka qaar ee muqdisho oo sanado ka hor dansaa.

Ugu danbeyntii Qaramada Midoobay ayaa cadeysay in Turkiga tusaale haboon u yahay caalamka intiisa kale oo doonaya inay kaalmeeyaan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada