Ciidamada Siiralyoon oo si rasmi ah uga baxaya Somalia iyo Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Munaasabad lagu sagootinayo

Ciidamada Siiralyoon oo si rasmi ah uga baxaya Somalia iyo Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Munaasabad lagu sagootinayo

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi maanta lagu qabanayo munaasabad lagu sagootinayo Ciidaada Siiralyoon ee qeybta ka ahaa AMISOM kuwaa oo gabi ahaan dalka ka baxaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya, ayaa xiligan ku sugan Magaalada Kismaayo, waxa ayna ka qeyb galayaan munaasabada lagu sagootinayo Ciidamada Siiralyoon ee guud ahaan ka baxaya Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo ay joogeen.

Dalka Siiraliyoon ayaa ka mid ah dalalka uu la degey cudurka halista ah ee EBOLA, waxaana Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isku raaceen in aan ciidamo kale laga keeni karin dalkaas.

Ciidamada manta sagootinta loo sameynaayo ayaa la sheegay in aysan jirin ciidamo kale oo beddalaaya, waxayna Ciidamada Siiralyoon kasocda ay dhamaysteen mudadii shaqo ee loogu tala galay in ay joogaan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada