Cumar Cabdirashiid oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Cumar Cabdirashiid oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

daajis.com:-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo lagu wado in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha 3aad ee dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad qaas ah ay keentay.

Mr Cumar Cabdirashiid ayaa saakay ka soo dhoofay magaalada Naiorbi oo ay diyaarad qaas ah ka soo qaaday, waxaana uu isla shalay ka soo tagay dalka Mareykanka.

Dad u badnaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiiin soo dhoweyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha sii diyaarsan ayaa ku lug go’ay garoonka, kadib markii diyaaradii siday Cumar Cabdirashiid ay saakay aroortii soo degtay, sida ay Jowhar.com u xaqiijiyeen ilo wareeyo muhiim ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mr Cumar Cabdirashiid oo safar dheer soo galay la dejiyay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ilaa caawa loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.


Wararka ayaa intaa ku daraya in marka lagu dhawaaqo Cumar Cabdirashiid maalmo kadib lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, oo inta badan diyaarsan xubnaha loo magacaabi doono.

Dadka Muqdisho ayaa aad u hadal hayay in Cumar Cabdirashiid loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare, waxaana aad looga dhur-sugayaa ku dhawaaqidiisa xilka Wasiirka Koowaad.

Cumar Cabdirashiid ayaa sanadkii 2009-kii loo magacaabay Ra’iisul Wasaare dowladii lagu soo dhisay Jabuuti, waxaana uu xilka iska casilay 21-kii bishii September ee sanadkii 2010.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada