Daawo: Kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay

Daawo: Kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay

daajis.com:-Kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay amaankooda iyadoo dadka doonaya inay soo galaan magaalada ay maraan baaris adag oo ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska ay su’aallo dhowr ah ku weydiinayaan masaafurka ka yimaada gobolada dalka.

Kontoroolada qaarkood ayaa waxaa ka shaqeeyo amaro adag oo qofka soo gelaya Muqdisho ay ku adag tahay in uu kasoo baxo, gaar ahaan Kontoroolka laga soo galo Muqdisho ee dhinaca wadada Balcad, waxaa ciidamada ku sugan ay qofka weydiiyaan adreeska qofka, iyo shuruudo kale.

Howlgalkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca kontoroolka Siinka Dheer ee laga soo galo dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale dadku lagu baaraa, iyadoo qofkii laga shakiyo la mariyo baaris dheer.



Dhalinyaro laga shakiyay ayaa ciidamada Nabadsugida ay gaadiid kala dageen, kuwaasi oo xarumaha danbi baarista loo gudbiyay, kadib markii la far muuqay in dhalinyaradaasi ay ka tirsan yihiin kooxaha Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada