Daawo:- obaama oo kaamira sir ah looga soo duubay isagoo gurigiisa jooga wax aan laga filanayn nin madax ah

Daawo:- obaama oo kaamira sir ah looga soo duubay isagoo gurigiisa jooga wax aan laga filanayn nin madax ah

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa la sheegay inuu ka mid yahay, hogaamiyayaasha dunida ee aan shaqo badan qaban wakhtiyada aroortii ama subaxda hore, waxaanu halkii shaqada wakhtigiisa ku bixin lahaa, ku lumiyaa waxyaabo kale oo uu ka mid ah arrimaha uu xiiseeyo sida isaga laftiisu ku waramay.

Waraysi gaar ah oo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama siiyay telefishanka CNN-ta, ayaa telefishanku kaga waraystay waxa uu qabto aroortii, sababtoo ah? Hawlaha shaqo ee uu qaranka u hayaa, intooda badan waa kuwo habeenkii iyo xiliyo koob kooban uu qabto, oo inta badan waxa xogta loogu soo

diraa, fariimo iyo qaab xidhiidh is gaadhsiineed, halka wixii ka badana cida ay khusayso uu kulan gaar ah kala yeesho.

Sidaa awgeed waxa warbixin dheer oo laga sameeyay muujinaysaa, in aanu inta badan subaxdii ama aroortii wax shaqo ah oo badan, Madaxweynuhu qaban, isaga laftiisu markii la waydiiyayna wuxuu kaga jawaabay si ka marag furaysa oo wuxuu ka waramay waxyaabaha uu wakhtiga isku dhaafiyo.

Isaga oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, “Aroortii inta badan shaqo iima taalo, oo ma jiraan wax hawl ah oo aan qabtaa, laakiin waxaan inta badan daawadaa ciyaaraha iyo wararkooda, gaar ahaan waxaan si gaar ah u daawadaa hilinka ESPN Channel, kaas Ayaan aad ula socdaa oo lagama yaabo in war ama wax uu baahiya I dhaafto aroortii.”

Waxa kale oo uu Obama sheegay in subaxdii uu saacado badan sameeyo jimicsi iyo ciyaaro jidh dhis ah, kuwaas oo uu tilmaamay inuu wakhtigan la qabsaday aadna u jecel yahay inuu jimicsigaas joogteeyo, wallow sida uu tilmaamay ay markii hore ku adkaayeen, laakiin imika waxyaabaha uu xiiseeyo ay ku jiraan aadna u jecel yahay.

Obama ayaa sheegay in ay aad u yar tahay aroortii in wax shaqo ah uu qabto, waxaana ugu badan wakhtiyada wufuud caalami ah iyo hogaamiyayaal ka socda dunidu marti u yihiin oo laga yaabo inuu qaabilo, waxa kale oo uu sheegay in marar kooban ay dhacdo in shir xukuumadiisa ama masuuliyiinta kala duwan ee xililka ka haya ciidamada iyo laamaha ammaanka uu la kulmo gelinka hore, laakiin inta badan shaqadu socoto habeenkii iyo gelinka danbe.

HALKAAN KA DAAWO RIIX



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada