Daawo Sawirada:- DFS oo loo gacan geliyay sarkaal ka tirsanaa Alshabaab

Daawo Sawirada:- DFS oo loo gacan geliyay sarkaal ka tirsanaa Alshabaab

daajis.com:- Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi waxaa laga soo qabtay Dalka Kenya, iyadoo ay soo qabteen ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee “NISA” oo gacan ka helaya sirdoonka Kenya, waxaana saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ay sheegeen inay ku socoto baaritaanno, isla markaana goordhaw sharciga la horgeyn doono.

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada