Xeer-ilaaliye Daahir “waa in la cadeeyaa sababta uu dalka uga baxay wasiir Mustaf dhuxulow”

Xeer-ilaaliye Daahir “waa in la cadeeyaa sababta uu dalka uga baxay wasiir Mustaf dhuxulow”

daajis.com:-  Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirka warfaafinta xukuumadii kalsoonida lagala noqday Mustaf Dhuxulow uu si sharci ah dalka uga dhoofay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lasoo cadeeyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu dhoofo, waxaana uu shaaciyay in baaritaano ay iminka wadaan.

Hadalka xeer ilaaliyaha qaranka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo maanta digreeto kasoo baxday xarunta madaxtooyada lagu sheegay in dhamaan wasiiradii,wasiiro kuxigeenadii iyo wasiiru dowlayaashii aynan ka amba bixi Karin dalka.


Ilaa iyo Iminka ma jirto cid ka hadashay warka laga soo saaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada