Daawo Sawirada:- Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Daawo Sawirada:- Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

daajis.com:- Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax goor dhow ka dhacay Afafka hore Garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo la dhigay meel aan sidaa uga sii fogeyn xafiiska Shirkada Diyaaradaha Jubba Airways, halkaasoo aanay ka fogeyn barta ugu horeysa ee koontaroolka laga galo garoonka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafayo 11-ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 7-ruux oo gabi ahaan u badnaa dad shacab ah, waxaana jiro warar sheegayo in dadka meesha ku dhintay uu kamid ahaa Taliyihii Hay’adda Nabadsugida u qaabilsanaa Degmada dharkiinley ee Gobolka Banaadir .

Waxaa hadda goobta ku sugan Ciidamada Ammaanka DF Somalia, kuwaasi oo baaritaano ka haayo goobta, inkastoo ay weli soo baxayaan warar is khilaafsan oo ku aadan dhimashada, dhaawaca iyo qaabka uu qaraxa u dhacay.

Dhanka akle, Gaariga Qarxay ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lala damacsanaa Shaqaale ka tirsanaa Xafiiska QM ee ku yaalla garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada